Gerard Pique Oo Ciyaaraha Si Rasmi Ah Uga Fadhiisan Doona Sanadka 2020 & Sababtan Oo Ka Dambaysa

Wargayska Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday in uu xiddiga kooxda Barcelona ee Gerard Pique ka fadhiisan doono ciyaaraha kubada cagta sanadka 2020 isaga oo isku diyaarinaya in uu u tartamo madaxtinimada kooxda Barcelona.

Daafaca Khabiirka ah ayaa dhamaysanaya sanadkiisii 23-aad waxana uu si aad ah ugu dhaw yahay in uu si Rasmi ah uga fadhiisto ciyaaraha kubada cagya.

Wargaska ayaa sheegaya in daafaca oo uu hoos u dhacay qaab ciyaareedkiisu xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay in uu go,aansasaday in uu ciyaaraha ka fadhiisto wakhti dhaw.

Xiddiga reer Spain ayaa isku diyaarinaya in uu ka shaqo galo kooxdiisa marka uu ciyaaraha ka fadhiisto isaga oo mustaqbalka dhaw u tartami doona madaxtinimada kooxda Barcelona.

Pique ayaa ciyaaraha ka fadhiisan doona sanadka 2020 si uu naftiisa isugu diyaariyo doorashada madaxtinimada kooxda Barcelona ee sanadka 2021 waxana uu doonayaa in uu ku guulaysto.

Wargayska ayaa intaas ku daray in uu Pique maamulka sare kooxdiisa u magacaabi doono xiddigaha Xavi, Iniesta iyo Puyol hadii uu ku guulaysto madaxtinimada kooxda

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here