Genoa Vs Juventus: Taageerayaasha Labada Kooxood Oo Kala Badh Celiyay Tigidhada Kulanka & Cristiano Ronaldo Oo Sabab U Ah

Kooxda Juventus ayaa maanta la ciyaari doonta kooxda Genoa kulan ka tirsan horyaalka Serie A-da iyaga oo kulan ciyaari doona markii ugu horaysay tan ilaa markii ay Atletico Madrid guusha ka gaadheen una soo bexeen 8 dhamaadka champions League.

Sida laga soo xigtay Corriere della Sera, Taageerayaal badan oo labada kooxood ah ayaa iibsaday tigidhada kulanka si ay u daawadaan kulanka.

Laakiin taageerayaal badan oo kooxda Geonoa ah ayaa ku hanjbay in ay celin doonaan tigidhada kulanka ay ku soo galayaan sabab la xidhiidha CR7.

Xiddiga reer Portugal ayaa gabi ahaan laga reebay Liiska xiddigaha kooxda Juventus ee ka hor tagaya kooxda Genoa kulan ka tirsan horyaalka.

Taas ayaa ka xanaajisay taageerayaasha kooxda Genoa maadama ay lacagta u bixiyeen una iibsadeen si ay u daawadaan Cristiano Ronaldo.

Si la mid ah taageerayaasha Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay qaar badan celiyeen tigidhada kulanka kadib markii ay ogaadeen in uuna Ronaldo ciyaari doonin kulanka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here