Gary Neville Oo Sheegay Wakhtigii Uu Ogaaday In Uu Fabinho Yahay Xiddig Heer Sare Ah

0

Halyeeyga Kooxda Man United ahna khabiirka Sky Sport ee Gary Neville ayaa shaaca ka qaaday wakhtigii uu ogaaday in uu xiddiga Liverpool ee Fabinho yahay xiddig cajiib ah.

Xiddiga reer Brazil ayaa si hoose ku bilowday xirfadiisa Liverpool isaga oo kaydka isku arkay todobaadyadii ugu dambeeyay.

Laakiin Fabinho ayaa Klopp ku qanciyay tayadiisa isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kuna bilowday 8 ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Liverpool.

25 jirka ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay kooxda Man United Waana markii uu Neville ogaaday in uu yahay xiddig heer sare ah.

“Waxa uu la kulmay dhaleecayn yar kulamo yar oo la soo dhaafay sida kulankii Arsenal oo uuna si fiican u ciyaarin, waxana aan shaki galiyay in uu la qabsan doono Liverpool”ayuu Neville u sheegay Sky Sport.

“Laakiin todobaadkii hore kulankii Man United waxa uu ahaa mid cajiib ah”.

“Waxa aan ku jeclaaday ayaa ah sida aad mararka qaad ugu arkayso khadka dhexe ee daafaca iyo qaabka uu kubada isugu xidhayo daafaca iyo weerarka”.

“Caawintii uu u sameeyay sadio Mane waxa ay run ahaantii ahayd mid cajiib ah, todobaadkii hore ayaa ahaa markii aan arkay isaga waliba aan ogaaday in uu yahay xiddig cajiib ah”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here