Gary Neville Oo Sheegay Hal Arin Oo Liverpool Ka Caawinaysa In Ay Man City Ku Garaacdo Horyaalka

Halyeeyga Kooxda Man United ahna khabiirka Sky Sport ee Gary Neville ayaa sheegay hal arin oo Liverpool ka caawin kara in ay Man City ku garaacdo premier league.

Gary Neville ayaa sheegay in ay Liverpool haatan hal kulan ka hor ciyaartay Man City in ay u fiican tahay rajadooda ku guulaysiga horyaalka premier Leageu.

Liverpool ayaa dib ula wareegtay hogaanka horyaalka premier League kadib markii ay Axadii 2/1 uga badiyeen kooxda Fulham xilli ay hal kulan dheertahay Man City.

Kulanka baaqiga u ah ayayna ciyaari doonin ilaa 24 bisha April iyaga oo waliba la ciyaari doona kooxda Man United Halka ay City ciyaari doonto kulan FA Cup-ka ah xilli Liverpool isla maalintaas la ciyaari doonto Southampton kulan premier League ah.

Isaga oo la hadlaya Sky Sport ayuu Gary Neville sheegay in ay arintaas kaliya Liverpool u fiicantahay maadama ay hal talaabo u qaadi karaan hanashada horyaalka dhanka maskax ahaanta.

“Waxa ay ogaayeen in ay Liverpool dhibco lumin doonto si la mid ah Man City ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka laakiin may noqon kulankii Fulham”.

“Man City ayaa haatan hal kulan gacanta ku haysata waxana ay la ciyaari doontaa Man United kulan ka dhici doona Old Trafford waxa ay fursad u tahay Liverpool si ay talaabo ugu qaado horyaalka waxa xaalka ku sii xumayn doona City in ay Man City ciyaari doonta Semi-finalka FA Cup-ka waxana ay u fiicantahay Liverpool”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here