Gary Neville Oo Sharaxay Sababtii Ay Man United Xiddigo Cusub Ugu Dhaqaaqi Wayday Suuqii Janaury.

0

Halyeeyga Kooxda Man United iyo Khabiirka Sky Sport Ee Gary Neville ayaa shaaca ka qaaday sababtii ayna Man United wax xiddigo cusub ah ula soo saxiixan suuqii January ee dhawaan xidhmay.

Gary Neville ayaa sheegay in sababtii ay United ula soo saxiixan xiddigo cusub ay tahay in xiddigaha la dul dhigay qiimo waali ah xiddigihii ay doonaysa adeegooda.

Red Devils ayaa lala xiriirinayay xiddigo badan intii uu furnaa suuqii January Laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay xiddigo cusub keenaan kooxda.

Neville ayaa u Sheegay Sky Sport”Dhibaatada ayaa ah in ayna heli karin xiddigo fiican, run ahaantii ma heli karaan xiddigo fiican waana dhibaato weyn”.

“Kooxaha ayaan qiimo jaban ku fasaxayn xiddigohooda, kadib kooxuhu waxa ay ka fikirayaan, miyaan haatan galaa suuqa January oo lacag ka badan qiimohooda ka bixiyaa?, miyaan heli karaa xiddigaha aan doonayo?”.

“Miyay Man United keeni lahayd xiddigaha Raphael Varane, ama Harry Maguire hadii lacagu heli karay qiimo macquul ah suuqii January? Haa waxa aan hubaa in ay u dhaqaaqi lahaayeen”.

“Laakiin lama heli karin suuqana may joogin, Haa waxa ay xiriiryo la sameeyeen wakiiladooda, waxa ay u direen daawadayaal laakiin may oolin suuqa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here