Gary Neville Oo Sharaxay Sababta Ay Haatan Liverpool Ugu Adkaan Doonto Ku Guulaysiga Horyaalka

0

Halyeeyga Kooxda Man United ahna khabiirka Sky Sport ee Gary Neville ayaa sharaxay sababta ay Liverpool haatan ugu dhibaatoon doonto ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Gary Neville ayaa sheegay in isku darka khibrada Man City iyo cadaadiska Liverpool ay Kooxda Pep Guardiola ka dhigayaan kuwo u sharaxan ku guulaysiga horyaalka premier League.

City ayaa xasuuqday Chelsea iyaga oo Axadii ku garaacay 6/0 kuna soo laabtay hogaanka horyaalka oo ay goolal kaga hayaan Reds inkasta oo ay kulan dheeri ah ciyaareen.

Kulanka ay Liverpool gacanta ku haysato ayaa ah mid ay 24 bisha February la ciyaari doonto Man United, Neville oo khibradiisa adeegsanaya ayaa sheegay in ayna Liverpool ku guulaysan doonin tartanka horyaalka premier League

“Marka aad eegto weynida Liverpool iyo xaqiiqda ah in ayna horyaalka ku guulaysan muddo dheer waxa jirta ka go,naansho ay kooxdu doonayso in ay ku guulaysato horyaa”Neville ayaa u sheegay Sky Sport.

“Todobaadyo yar ka hor waxa ay 7 dhibcood ku hayeen hogaanka horyaalka markii ay man City guuldaro kala kulantay Newcastle waxa aad u malaynaysay in ay heshay fursad waxa ay fursada Liverpool joogtay markaas”.

“Wali waxa ay haystaan fursad laakiin haatan way ka adkaatay todobaadyo yar ka hor”.

“Ku Guulaysiga horyaalka waxa go,aamiya qaab ciyaareedka laakiin maska ahaan waa waweyn”.

“Markii aan United kula guulaystay horyaalkii ugu horeeyay, marna horay uma socon, waan ku dhibaatoonay si la mid ah xiddigo badan oo da,yar ah”.

“Waxa dhabarka nagu waday Eric Cantona, Peter Schmeichel, Roy Keane kuwaas oo khabira u lahaa sida ay wax u socdaan”.

“Kooxda Man City way garanaysaa sida loogu guulaysto horyaa si la mid ah pep Guardiola, Jurgen Kloppp wuu ku guulaystay horyaal laakiin dalkan kagama guulaysan, wixii ay City qabatay todobaadkan ayaa ah in ay Liverpool cadaadis ku saartay dhanka maskaxda”.

“Liverpool way ku adkaan doontaa in ay ku guulaystaan horyaalka laakiin mar walba way adkaan lahayd ma ahan wax cusub, waxan u malaynayaa in uu tartanku bilowday todobaadkii hore”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here