Gary Neville Oo Sharaxay Qaabka Uu Jurgen Klopp Sabab Ugu Noqon Karo In Ay Liverpool Ku Fashilanto Ku Guulaysiga Horyaalka

Halyeeyga Kooxda Man United ahna khabiirka Sky Sport ee Gary Neville ayaa sheegay qaabka uu tababare Jurgen Klopp sabab ugu noqon karo in ay Liverpool ku guulaysan waydo horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa kula dagaalamaysa horyaalka kooxda Man City oo haatan goolal ku haysa horyaalka premier League.

Kooxda Klopp ayaa iska khasaarisay 7 dhibcood oo ay ku haysay horyaalka premier League laakiin waxa ay ku soo laaban doonaan hogaanka hadii ay ka badiyaan Man United.

Si kasta ha ahaatee Gary Neville ayaa Klopp u sheegay in uu si dagan u joogo goobta tababaryaaasha loogu tala galay.

“Waxa xaqiiqdii muhiim ah in uu Klopp si dagan u joogo”ayuu Gary Neville yidhi.

“Sababta oo ah kumay guulaysan horyaalka muddo dheer waxa jira heer ka go,naansho oo ay doonayaa in ay ku guulaystaan horyaalka”.

“Waxa ay mar walba noqonaysaa mid adag marka ugu horaysay sidii ay United ugu adkayd bilowgii 1990-kii”.

“Klopp waxa uu u baahan yahay in uu is dajiyo sababta oo ah hadii uu khalad galay waxa ay ku soo laabanaysaa kooxda”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here