Gary Neville Oo Shaki Galiyay Mustaqbalka Fog Ee Paul Pogba, Sababa

0

Halyeeyga kooxda Man United ee Gary Neville ayaa shaki galiyay mustaqbalka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba isaga sheegay in uu wakiilkiisu isku dayi doono in uu Man United ka kexeeyo xiddiga.

Gary Neville ayaa sheegay in uu xiddiga koobka adduunka ku guulaystay uu ku fashilmay Man United 2-dii sano ee uu joogay kooxda isaga oo kaliya 3 bilood muujiyay tayadiisa.

Neville ayaa aamisan in wakiilka Mino Raiola uu isku dayi doono in uu Pogba u helo koox cusub waliba sida ugu deg-dega badan.

“Pogba waxa uu 2-dii ilaa 3-dii bilood ee la soo dhaafay ahaa mid u qalmay lacagtii ay Man United kula soo saxiixatay”ayuu u sheegay Sky Sport.

“Hadii uu United u ciyaaro 5 sano ee soo socota ma jirto koox aniga iiga farxad badan laakiin dhibaato ayaa mar kale hor iman doonta”.

“Waa in uu mustaqbal fog ku lahaadaa kooxda”.

“Wakiilkiisa ayaa isku dayi doona in uu kooxda ka kexeeyo sababta oo ah kaliya waxa uu qaab fiican soo bandhigay 3-dii bilood ee ugu dambaysay”.

“Wel-welkayga ayaa ah in uu wakiilkiisu ku qancin doono in uu koox cusub helo bilaha soo socda”

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here