Gary Neville Oo Shaaca Ka Qaaday Halka Arin Ee Ay U Baahantahay Liverpool Si Ay Man City Ugu Garaacdo Hanashada Horyaalka

0

Halyeeyga kooxda Man United ahna khabiirka Sky Sport ee Gary Neville ayaa sheegay halka Arin ee ay Liverpool u baahantahay si ay Man City ugu garaacdo hanashada horyaalka premier League.

Gary Neville ayaa sheegay in ay Liverpool u baahantahay in ay ugu yaraan 3 dhibcood ka horayso Man City 5-ta kulan ee ugu dambeeya horyaalka premier League hadii ay doonayaan in ay ku guulaystaan premier League.

Reds ayaa haatan 3 dhibcood ka horaysa Man City ka dib guushii 3/0 ahayd ee ay ka gaadheen Bournemouth kulan ka tirsanaa premier League.

Liverpool ayaa hogaanka u haysa horyaalka Laakiin Man city ayaa horyaalka xilli ciyaareedkii hore ku qaaday 19 dhibcood oo ay ka horaysay kooxda Man United.

Maadama ay Man City taqaano sida loogu guulaysto horyaalka, Neville ayaa rumaysan in ay Liverpool ugu yaraan ka horayso 3 dhibcood marka la galo 5-ta kulan ee ugu dambaysa hadii ay doonayaan in ay ku guulkaystaan premier League.

“Waxa aan bilo yar ka hor idhi in hadii ay Liverpool u baahantahay ku guulaysiga horyaalka waxa ay u baahan yihiin in ay hogaanka ka hayaan Man City kulamada ugu dambeeya ee horyaalka”ayuu Neville u sheegay Sky Sport.

“Hadii ay 3 ama 4 dhibcood ka horeeyaan Man City 5 ilaa 3-da kulan ee ugu dambeeya kadib waxa ay haystaan fursad fiican”.

“Laakiin hadii ay ka dambeeyaan Man City ama ay xitaa la dhibco yihiin Horyaalka waxa iska leh City sababta oo ah waxa ay khibrad u leeyihiin in ay xamilaan cadaadiska”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here