Gary Neville Oo Saadaaliyay Booska Ay Ku Dhamaysan Doonaan Kooxaha Man United, Chelsea & Arsenal.

0

Halyeeyga Kooxda Man United Ahna Khabiirka Sky Sport ee Gary Neville ayaa saadaaliyay booska ay kooxaha Man United, Chelsea iyo Arsenal kaga dhamaysan doonaan horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

Gary Neville ayaa saadaaliyay in ay Arsenal ku dhamaysan doonto kaalinta 6-aad ee kala saraynta premier league taas oo la macno ah in ay Man United iyo chelsea ku dagaalami doonaan kaalinta 4-aad.

Kooxda Unai Emery ayaa guuldaro kala kulmay kooxda Man City iyaga oo laba boos hoos ugu dhacay kadib guulihii Man United iyo chelsea.

Xilli 13 kulan ka hadheen horyaalka premier League Arsenal ayaa al dhibic ka dambaysa kooxda Man United halka ay 3 dhibcood ka dambayso kooxda chelsea ee kaalinta 4-aad.

“Marka la daawado qaab ciyaareedka Kooxaha Man United iyo Chelsea kuwaas oo qaab fiican ku jira todobaadyadii ugu dambeeyay”.

“Waxan u malaynayaa in ay Arsenal ku dhamaysan doonto kaalinta 6-aad taas oo la macno ah in dagaalka booska 4-aad haatan ka dhexeeyo kooxaha Man United Iyo Chelsea.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here