Gary Neville Oo Magacaabay 4 Xiddig Oo Ka Dambeeya Qaab Ciyaareedka Heerka Sare Ee Man United

Halyeeyga Kooxda Man United ee Gary Neville ayaa haatan qirtay in uu doonayo in uu aado kulamada Man United si uu u daawado.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa si cajiib ah ku bilowday shaqadiisa tababaranimo ee Man United tan ilaa markii uu badalay Jose Mourinho isaga oo badiyay 6 kulan oo xiriir ah tartamada oo dhan kuna soo celiyay kooxda tartanka loogu jiro kooxaha u tartamaya kaalinta 4-aad.

Natiijadii ugu fiicnayd ayaa timid Axadii markii uu Marcus Rashford dhaliyay goolkii kaliya ee ay ku garaaceen Tottenham kulankii ka dhacay Wembly.

Kadib markii ay Man United qaab fiican ku soo laabatay Neville ayaa qirtay in uu doonayo in uu aado kulamada Man United waliba garoonka ka daawado.

“Waan jecelahay in aan daawado, tani waa waxa aan doonayo in aan mar kale garoonka ka daawado, 6 ilaa 8 todobaad ka hor waxa aan kulamada ka daawanayay guriga”ayuu Gary Neville yidhi.

“Maan doonayn in aa aado garoonka waxana jira taageerayaal badan oo ila mid ah, ma ahaan karno booskaas hadii aan nahay taageerayaasha Man United”.

Isaga oo magacaabay xiddigaha ka dambeeya qaab ciyaareedka cajiib ah ee kooxda Man United ee kulamadii ugu dambeeyay ayuu yidhi”Xiddigaha Jesse Lingard, Marcus Rashford, Anthony Martial & Paul Pogba ayaa diiriyay kooxda kana dambeeya qaab ciyaareedka fiican ee cajiibka ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here