Gary Neville Oo Magacaabay 3-da Kulan Ee Ay Tahay In Uu Ole Gunnar Solskjaer Guul Ku Hogaamiyo United Si Uu Tababre Buuxa Ugu Noqdo Kooxda.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Gary Neville ayaa tilmaamay 3 kulan oo uu Ole Gunnar Solskjaer u baahan yahay in uu guul ku hogaamiyo Man United hadii uu doonayo in uu si buuxda ula wareego shaqada tababaranimo ee Man United.

Gary Neville ayaa Tababaraha Ku Meel Gaadhka ah ee Ole Gunnar Solskjaer u sheegay in uu United ku hogaamiyo guul kulamada Chelsea, PSG iyo Liverpool hadii uu doonayo in uu noqdo tababaraha buuxa ee Man United.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa si cajiib ah ku bilowday shaqada kooxda tan ilaa markii uu ka badalay shaqada tababare Jose Mourinho bishii December.

Tababaraha reer Norway ayaa guul ku hogaamiyay 9 ka mid ah 10-kii kulan ee uu kooxda hogaamiyay isaga oo bar-baro la galay Burnley.

Red Devils ayaa haatan wakhti soo socda ciyaari doonta kulamo adag sida Liverpool, PSG iyo Chelsea iyo waliba kulamo kale.

Neville ayaana sheegay in ay Reds u baahantahay guul hadii uu ay doonayaan in uu Ole Gunnar Solskjaer noqdo tababaraha buuxa ee kooxda.

“Hadii uu garaaco kooxaha Chelsea, PSG iyo Liverpool, Ole Gunnar Solskjaer shaki la,aan waxa uu tartan xoogan u galayaa in uu noqdo tababaraha buuxa ee kooxda”ayuu Neville u sheegay Sky Sport.

“Kooxdu waxa ay shaqada u dhiibtay laba tababare oo waaweyn wakhtigii ugu dambeeyay manay shaqayn magacaabistoodu”.

“Hadii uu Ole Gunnar Solskjaer kooxda guul ku hogaamiyo guul kulamadaas way adag tahay in aad meel kale raadiso”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here