Gary Neville Oo Kooxdiisii Hore E Man United U Tilmaamay Tirada Xiddigaha Ay U Baahan Yihiin Xagaaga Si Ugu Tartamaan Horyaalka

0

Halyeeyga Kooxda Man United ee Gary Neville ayaa kooxdiisa Man United u tilmaamay 5 xiddig oo ay la soo saxiixdaan suuqa xagaaga si ay xilli ciyaareedka dambe ugu tartamaan premier League.

Red Devils ayaa samaysay mucjiso kadib markii ay guul soo laabasho leh ka gaadheen kooxda PSG kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee wareega 16-ka una soo baxay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Laakiin Neville ayaa sheegay in ay kooxdiisu u baahan tahay 3 daafac oo cusub hal khadka dhexe ah iyo waliba weeraryahan.

Isaga oo la hadlaya beIN Sports ayuu ydih” Man United waxa ay u baahantahay laba daafac oo dhexe heer sare ah, run ahaantii waan aaminsanahay arintaas”.

“Marka aad ka hadlayso ku guulaysiga premier League ama in aad gaadho finalka champions League waxa aan u baahantahay daafacyo dhexe oo heer caalami ah”.

“Waxa ay u baahan yihiin 2 daafac oo dhexe iyo daafac garab oo midig, waa waxa aan aaminsanahay ugu yaraan waxa ay u baahan yihiin”.

“Waxa aan sidoo kale odhan karaa in ay u baahan yihiin hal xiddig oo khadka dhexe ah iyo hal weeraryahan ah maadama ayna isku halayn karin Alexis Sanchez”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here