Gary Neville Oo Kashifay Doorka Ay Barcelona & Real Madrid Ku Leeyihiin Qaab Ciyaareedka Liita Ee Paul Pogba

0

Halyeeyga Kooxda Man United ee Gary Neville ayaa kashifay Doorka ay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ku leeyihiin qaab ciyaareedka Liita ee xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba kaas oo qaab xun ku jira kulamadii ugu dambeeyay.

Gary Neville ayaa sheegay in wararka Paul Pogba la xiriirinaya kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ay mashquulinayaan xiddiga reer France waliba tahay in si deg-deg ah go,aan looga gaadho mustaqbalkiisa.

Paul Pogba oo 26 jir ah ayaa dhaliyay 16 gool 11 kale caawiye ka noqday 42 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Man United laakiin inta badan la kulmay dhaleecayn kulamad waaweyn iyada oo su,aal laga keeno hogaamiyenimadiisa.

Neville oo la hadlay Sky Sport ciyaartii Everton kadib ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa in uu yahay Hogaamiye, waxana dhab ahaan u malaynayaa in uu yahay wiil fiican”.

“Man United kumay guulaysan horyaalka muddo 7 sano ah waxana ay ku jirtaa wakhti adag oo kala guur ah”.

“Paul Pogba waxa uu leeyahay awooda uu ku wadi karo Man United waxana aan aaminsanahay in uu kooxda wadi karo isaga oo caawin ka helaya xiddigaha Rashford iyo De Gea”.

“Waxa ay tahay in go,aan laga gaadho ayaa ah mustaqbalkiisa sababta oo ah wararka la xiriirinaya Real Madrid iyo Barcelona ayaa sabab u ah qaab ciyaareedkiisa Liita”.

“Waa xiddiga kaliya ee aan odhan karo waa xiddig heer caalami ah oo ku jira kooxda Man United kana ciyaari kara koox kasta oo adduunka ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here