Gary Neville Oo Jamie Carragher Si Gaar Ah Ugu Sheegay Kooxda Ku Guulaysan Karta Premier league Xilli Ciyaareedkan

Halyeeyga Kooxda Man United ee Gary Neville ayaa halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher si gaar ah ugu sheegay in ay Liverpool ku guulaysan karto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa si ku meel gaadh ah dib ugu soo celisay 7-dii dhibcood ee ay ka horaysay Man City kadib markii ay guul 1/0 ah ka gaadhay Brighton.

Man City ayaa dhibcaha ka dhigi karta 4 marka ay caawa la ciyaari doonto kooxda Wolves kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Falanqeeyaha Sky Sport ee Neville ayaa horay u sheegay in uu shardi ku galayo in ay Man City ku guulaysan doonaan horyaalka xilli ciyaareedkan.

Laakiin haatan ayaa shaaca laga qaaday Fikirka daacada ah ee Neville isaga oo xitaa u sheegay Carragher oo ay ka wada shaqeeyaan Sky Sport.

“Waxa ku guulaysan doona Liverpool ama City, waxa ay ka fiican yihiin weerarka, ma garanayo kooxda ku guulaysan doonta”ayuu u sheegay Sky Sport.

“Waxa aan doortay Man City bilowgii xilli ciyaareedka waxana aan mar walba sheegi jiray in ay City ku guulaysan doonto marka la i waydiiyo”.

“Laakiin waxa aan si gaar ah mar walba Carragher ugu sheegay” Kooxdaadu way ku guulaysan kartaa horyaalka, kooxdaadu waxa ay awood u leedahay in ay ku guulaystaan, waxa ay u muuqdaan koxo ku guulaysan karta”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here