Gary Lineker Oo Sharaxay Sababta Aan La Isku Bar-Bar Dhigi Karin Cristiano Ronaldo & Lionel Messi

Halyeeyga Kooxda Barcelona ee Gary Lineker ayaa sharaxay sababta aan la isku bar-bar dhigi karin xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Messi iyo Ronaldo ayaa loo arkaa laba ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka inkasta oo ay taageerayaasha labada xiddig ku kala qaybsan yihiin midkooda fiican.

Ronaldo ayaa soo qaatay xirfad cajiib ah isaga oo ku guulaystay 5 Ballon d’Or si la mid ah 5 tartanka champions League ah, 3 premier League iyo 2 La Liga.

Messi ayaa dhanka kale ku guulaystay 5 Ballon d’Or, 4 champions League iyo waliba 9 koob oo horyaalka La Liga ah.

Laakiin marka laga yimaado koobabka iyo abaalmarinaha shaqsiga ah Lineker ayaa aaminsan in uu jiro xiddiga kaliya oo ugu fiican waana Messi.

“Kaliya waa xiddig cajiib ah”Lineker ayaa u sheegay Talksport. “Haatan waa 31 jir walina waa mid awood badan waxa uu ciyaarayaa kubad aynan inteena kale ciyaari karin”.

“Waxa aan daawaday kubada cagta In badan iyo waliba dad ku murmaya Messi Vs Ronaldo, laakiin aniga ahaan ma jirto is bar-bar dhig”.

“Messi waxa uu ku jiraa heer ka duwan cid walba waana si fudud arintaas, Dadku waxa ay igula murmaan Gool dhalinta Cristiano Ronaldo”.

“Laakiin waxa aan ku yidhaahdaa Miyaad aragteen Messi oo baasaya kubada? Miyaad Aragtay isaga oo gambis ku dhalinaya gool?”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here