Gareth Bale Oo Sabab U Noqon Kara In Uu Tababare Mauricio Pochettino Iska Diido Man United

0

Tababaraha Kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa ah tababaraha ugu doonista badan bilhii ugu dambeeyay iyada oo lala xiriirinayo kooxo badan oo ay ka mid yihiin Man United iyo Real Madrid.

Wararka ka imanaya England ayaa sheegaya in uu xiddiga garabka uga ciyaara Real Madrid ee Gareth Bale uu fure u noqon karo in uu tababare Mauricio Pochettino iska diido kooxda Man United kuna biiro kooxda Real Madrid.

Inkasta oo uu tababare Santiago Solari qalinka ugu duugay heshiis ilaa xagaaga 2021 ah kadib natiijooyin fiican oo uu kooxda ku hogaamiyay hadana maamulka Real Madrid ayaan tababare Solari u arkin tababare kooxda sii hayn kara wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Tababaraha Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa ah tababare ay si aad ah u doonayaan si uu kooxda uga badalo tababare Solari iyaga oo tartan kala kulmaya Man United oo dhankooda doonaysa kadib markii ay shaqada ka caydhiyeen Jose Mourinho.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid miiska u saari doonto dhigeeda Tottenham lacag iyo waliba xiddiga Gareth Bale si ay u helaan tababare Mauricio Pochettino.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here