Gareth Bale Oo Rikoodh Masiibo Ah Ku Leh Kulamada Barcelona Ee Ka Dhaca Garoonka Bernabeu

Masiibada Rikoodhka Xun ee Ee El Clasico ee Gareth Bale oo wali sii socda kadib guuldaradii ay Real Madrid kala kulantay kooxda Barcelona kana tirsanaa lugta 2-aad ee Semi-finalka Copa del Rey-ga.

Gareth Bale ayaa Barcelona Markii 9-aad kaga hor tagay Bernabue xalay waxana uu guuldaro kala kulmay markii 5-aad.

Rikoodhkii xumaa ee uu xiddiga reer Wales ku lahaa kulanka El Clasico ee garoonka Santiago Bernabue ayaa sii socday kadib guuldaradii 2/0 ahay ee ay Real Madrid kala kulantay Barcelona.

Barcelona ayaa sabtida ku soo laabanayasa Bernabeu kulan ka tirsan horyaalka La Liga waxana ay taageerayaasha Real Madrid shaki la,aan doonayaan in aan xitaa Bale lagu soo darin liiska xiddigaha ka qayb qaadan doona kulanka.

Bale ayaa Real Madrid ku soo biiray sanadkii 2013 laakiin waxa uu rikoodh xun ku leeyahay kooxda Barcelona Tan ilaa markii uu yimid kooxda.

Inkasta oo uu Bale guulo a gaadhay Barcelona hadana guulahaas ayaa dhamaantood ahaa kuwo ka baxsan garoonka Real Madrid ee Santiago Bernabue.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here