Gareth Bale Oo Rikoodh La Yaab Leh Dhigay Kadib Kulankii Villarreal

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa badal lagu sameeyay kulankii ay ay Los Blancos bar-baraha la gashay kooxda Villarreal.

Gareth Bale ayaa dhaawac dartiis loogu badalay qaybtii dambe ee ciyaarta taas oo la macno ah in badal lagu sameeyay markii 14-aad ee xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Wales ayuu dhaawac soo gaadhay qaybtii hore ee ciyaarta waxana Qaybtii Nasashada lagu badalay Isco.

Badalkii lagu sameeyay ayaa la macno ah in Gareth Bale lagu sameeyay badalkiisii 15-aad ee xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga tartamada oo dhan.

Waana xiddiga ugu badan ee badal lagu sameeyay xilli ciyaareedkan kadib badalkii lagu sameeyay xiddiga kulankii Villarreal.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here