Gareth Bale Oo Loo Sheegay Halka Wado Ee Uu Ugu Biiri Karo Chelsea, Man United Ama Tottenham.

0

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa loo sheegay halka wado ee uu ugu biiri karo kooxaha Chelsea, Man United Ama Man United sida ay sheegayaan wararku.

Gareth Bale ayaa loo sheegay in uu 70 milayn oo euro ka jaro mushaharkiisa hadii uu doonayo in uu ku biiro kooxaha chelsea, United iyo Tottenham.

29 jirka reer Wales ayaa noqday cadawga 1-aad ee Taageerayaasha Real Madrid iyaga oo maalin walba ku oriya marka uu garoonka soo galo.

Laakiin caqabada ugu weyn ee ka hor taagan in uu ku soo laabto Premier League ayaa ah in uu xiddigu doonayo lacag dhan 650 kun oo Gini todobaadkii.

Xiddiga reer Wales ayuu 3 sano uga hadsan yahay heshiiskiisa Real Madrid waxana uu 3-daasa no qaadanayaa lacag dhan 101 milyan oo euro marka lagu daro ilaa lacagaha gunada ah.

Laakiin Hadii uu Bale go,aansado in uu isaga tago Real Madrid ka hor inta uuna heshiiskiisu dhamaan waxa uu u baahan yahay in uu si weyn hoos ugu dhigo mushaharkiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here