Gareth Bale Oo Ku Dhaawacmay Kulankii Villarreal , Yaa Horay Ugu Maqnaa Liiska Dhaawacyada Real

0

Gareth Bale ayaa walaac ku abuuray Real ka dib markii la badalay soo labaashadii qeybta labaad kulanka ay la ciyaareen Villarreal ee wareegga 22-aad ee La Ligaga

Laacibka ayaa la arkayay isaga oo lutinaya markii ay dhamatay qeybta koowaad ee ciyaarta waxaana muuqtay in jug culus ay gaartay .

Waxaa lagu badalay Isco waxa uuna haatan laacibkaas ku biiray liiska dhawacyo ee Real ee ay haatan ku jiraan dhowr xiddig .

Xiddigaha Real ka dhaawacna waxaa ka mid ah Assensio , Mariano iyo Marcos Llorente, waxaana la filayaa in Real ay war ka soo saaraan xaaladda dhaawac ee Bale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here