“Garan Maydisid Waxa Dhici Doona”:-Kylain Mbappe Oo Diiday In Uu Meesha Ka Saaro Suurtagalnimada Uu Ugu Biiri Karo Real Madrid

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa xasuuqday kooxda Guingamp iyada oo uga badisay 9/0 kulan ka tirsanaa horyaalka Ligue 1 Iyada oo uu Kylian Mbappe dhaliyay 3 gool kadibna ka hadlay mustaqbalkiisa iyo wararka la xiriirinaya kooxda Real Madrid.

Kylian Mbappe ayaa diiday in uu meesha ka saaro suurtaganimada uu goolal ugu dhalin karo Real Madrid mustaqbalka dhaw.

Da,yarka ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxda caasimada Spain iyada oo dad badan rumaysan yihiin in uu ku biiri doono mustaqbalka dhaw.

“Waxa aan farxad ku dareemayaa halkan, laakiin marnaba garan maysid waxa ka dhaca kubada cagta”ayuu Yidhi markii wax laga waydiiyay Real Madrid.

“Waxa aan kooxda PSG kula jiraa heshiis ilaa 2021 ah Mana ahan wakhtigii laga fikiri lahaa waxyaabaha kale”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xiddiga ayaa kadib ka hadlay guusha weyn isaga oo yidhi” Waxa uu ahaa kulan cajiiib ah”.

“Waxa aan soo bandhignay qaab ciyaareed dhamaystiran”.

“Waa wakhti muhiim u ah xilli ciyaareedkan ruuxduna way ka duwan tahay midii qaybtii hore ee xilli ciyaareedka”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here