Garabka Daafaca Bidix Oo Ah Mid Madax Xanuun Ku Ah Ernesto Valverde.

Daafaca kooxda Barcelona ee Jordi Alba ayaa qaatay kaadhkii 5-aad ee digniinta ahaa kulankii ay Barcelona bar-baraha 2/2 ah la gashay kooxda Valencia todobaadkii 22-aad ee premier League.

Sdiaas darteed xiddiga reer Spain ayaa ka maqnaan doona kulanka todobaadka dambe ay Barcelona martida u noqon doonto kooxda Atletic Bilbao sabab la xidhiidha ganaax kadib markii uu qaatay kaadhkiisii 5-aad.

Maqnaanshaha xiddigan ayaa dhibaato weyn ku ah kooxda Barcelona maadama ayna haysan badal Toos ah oo ay xiddiga ku buuxiso booskiisa.

Kulankii Sevilla ee Copa Del Rey-ga iyo kulankii Valencia ee xalay Valverde ayaa u muuqday mid aan ku qanacsanayn da,yarka Miranda waxana uu go,aansaday in uu ka ciyaarsiiyo xiddiga Semedo iyo Sergi Roberto si uu xal ugu helo booska Daafaca Bidix.

Kulankii Seviila Semedo ayaan soo bandhigin qaab fiican halka uu ku dhibaatooday in uu muujiyo awoodiisa waxa uu Valverde kulankii xalay booskaas u doortay Sergi Roberto natiijada ayaanan ka fiicnaan midii hore isaga oo ku dhibaatooday booskaas.

Sidaas darteed Barcelona ayaa si weyn ugu dhibaatoon doonta booskaas marka ay Todobaadka dambe booqdaan kooxda garoonkeeda lagu dhibaatoodo ee Atletic Bilbao.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here