Fursadaha Neymar Ee Uu Taam Ugu Noqon Doono Kulanka Man United Oo La Ogaaday.

Waxa dib u bilaaabmi doona wareega 16-ka ee tartanka champions League iyada oo kulamada ugu waaweyn ee la ciyaari doono ka mid yahay kulanka dhex mari doona kooxaha PSG iyo Man United.

Neymar ayaa lagu soo waramayaa in uuna taam u noqon doonin in uu ka hor tago kooxda Man United wareega 16-ka tartanka champions League.

26 jirkan reer Brazil ayuu dhaawac ka soo gaadhay suulka intii lagu jiray kulankii ay PSG la ciyaaraysay kooxda Strasbourg todobaadkii hore.

Inkasta oo uu tababaraha PSG ee Thomas Tuchel sheegay in wakhtiga uu maqnaan doono Neymar la ogaan doonin ilaa todobaadka dambe hadana warar ka imanaya France ayaa sheegaya in uu xiddigu maqnaan doono muddo dhawr todobaad ah.

Wargayska Telefoot ayaa sheegaya in fursadaha uu Neymar ku soo laaban doono kulanka lugta 1-aad oo la ciyaari doono February 12 Ay aad u yartahay.

Xiddiga khadka dhexe ee Marco Verratti ayaa ah xiddig kale oo uu shaki ku jiro kulankaas inkasta oo Wargayska Canal+ sheegay in uu xiddigu taam u noqon doono kulanka United.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here