Fursadaha Ku Guulaysiga Barcelona Ee Saddex Koob Xilli Ciyaareedkan Oo Tijaabo Adag Mari Doona Muddo 10 Maalmood Ah

Real Madrid ayaa ka Hadhay tartamada Champions League, La Liga iyo waliba Copa Del Rey-ga, Barcelona ayaa haatan ka fikiraysa sidii ay ugu guulaysan lahayd saddex koob xilli ciyaareedkan laakiin rajadaas ayaa lagu go,aamin karaa muddo 10 maalmood ah.

Inta u dhexaysa 6 bisha April ilaa 10 Barcelona ayaa la ciyaari doonta Man United iyo Atletico Madrid kuwaas oo go,aamin doona fursada Barcelona ee horyaalka iyo champions League.

Waxa ay haatanba gaadheen finalka Copa del Rey kaas oo ay ciyaari doonto 25 bisha May.

Barcelona ayaa 7 dhibcood ku haysa hogaanka horyaalka La Liga Laakiin hadii ay Atletico Madrid ka badiyaan waxa ay ku qaban doonaan 10 dhibcood taas oo la macno ah in ay ku guulastay horyaalka.

Kulankaas Atletico Madrid ayaa iman doona ka hor lugta 1-aad ee kulanka ka dhici doona Old Trafford ee tartanka champions League.

Kadib Man United ayaa Camp Nou ku booqan doonta Barcelona 16 bisha April iyaga oo ku rajo weyn in ay dilaan rajada Barcelna ee saddexda koob.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here