FT: Juventus oo ka adkaatay Roma iyo Ronaldo oo gool la’aan baxay

0

Kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa ugu dambeyn dhegta dhiigga u dartay kooxda AS Roma.

Juve ayaa waxa ay ahayd mid gacan ku gambad ah, waxaana inta ugu badan ciyaarta maamulkeeda gacanta ku hayay Roma.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa Bianconeri heshay goolka guusha ee ciyaarta, waxaana dhaliyay Mario Mandzukic daqiiqaddii 35-aad ee ciyaarta.

Natiijada 1-0 ahayd ayaa lagu kala nastay qaybta hore ee ciyaarta.

Markii dib la isugu soo laabtay, Roma ayaa ciyaarta ka sameysay fursado aad u badan, balse waxa ay ku guuldarreysatay inay gool dhaliso.

Daqiiqaddii 90-aad ee ciyaarta ayaa waxaa gool dhaliyay Douglas Costa, balse waa la diiday ka dib markii dib loo daaqaday muuqaalka garsoor caawiyaha ee VAR, kaasoo muujiyay qalad lagu galay Zaniolo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here