Frenkie de Jong: Waxan U Malaynayaa In Ay Dadka Barcelona Wada Faraxsan Yihiin Kadib Markii Aan Real Madrid Ka Reebay Champions leagey

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Ajax ee Frenkie de Jong ayaa ka hadlay kooxdiisa Mustaqbalka ee Barcelona kadib markii uu Real Madrid ka reebay tartanka champions League.

Ajax ayaa 4/1 ku garaacday kooxda Real Madrid kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Ajax ayaana iska xaadirisay wareega xiga ee 8 dhamaadka tartanka champions League inkasta oo ay Real Madrid guuldaro kala kulantay lugtii hore.

Frenkie de Jong ayaa kooxda Barcelona ku soo biiri doona dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu heshiis la gaadhay Barcelona suuqii xagaaga.

Xiddig oo la hadlaya wargayska Mundo Deportivo ayaa yidh” Waxan u malaynayaa in ay cid walba oo Barcelona ah haatan faraxsan tahay kadib markii aan Real Madrid ka reebay champions league”.

Xiddiga oo la waydiiyay in uu hambalyo kala kulmay xiddigaha Barcelona ayaa yidhi” Wali ma eegin Mobile-kayga”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here