Frenkie de Jong Oo Iska Diiday Kooxda PSG & Koox Kale Oo Ku Guulaystay Saxiixiisa

Kooxda Barcelona ayaa u muuqata qaar kooxda Paris Saint-Germain ku garaacay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong xilli lagu soo waramayo in uu xiddiga reer Holland doornayo kooxda Barcelona.

Kadib wadahadalo muddo dheer ah Frenkie de Jong ayaa doortay in uu iska diido kooxda PSG isaga oo doorbiday in uu ku biiro kooxda Barcelona.

Sida laga soo xigtay idaacadada Catalunya Radio xiddiga oo ay la soo xiriireen kooxaha Juventus, Man City iyo PSG ayaa u sheegay in uu aqbali doono dalabka Barcelona.

Waxa la rumaysan yahay in heshiiska si aad ah loogu tartami doono saacadaha soo socda ee maanta marka ay wakiilada Barcelona la kulmaan wakiilka xiddiga.

Lacagta xiddiga lagu helayo ayaa la rumaysan yahay in ay dhantahay lacag dhan 75 milyan oo euro taas oo ay Barcelona 3 qaybood u bixin doonto.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here