Xulka Faransiiska oo Dhaawacyo badan heesta Sanadkan ayaa guul ku daah-furtay koobka Aduunka kadib markii 4-1 ku dhufteen Qaranka Australia.

Faranskiisa ayaa looga hormaray Hogaanka Ciyaarta kadib markii uu Shabaqa soo taabtay Craig Goodwin Daqiiqadii 9aad isagoo ka faa’ideestay kubad banaanka loo soo dhigay.;Xulka Australia ayaa goolkaasi kadib u muuqday kuwa Garoonka iskaga jiray iyadoo Faransiiska uu kubada xoogeeda uu iska Maamulanayay.

Xidiga Adrien Rabiot ayaa goolka bar-baraha u dhaliyay France Goolkaasi oo ahaa Kubad madax ah Daqiiqadii 27aad isla Xidigan ayaana goolka labaad kasoo sheeqay waxana dhaliyay Olivier Giroud oo meel cidlo ah ka helay iyadoo lagu kala nastay 2-1.

Qeybta Labaad Faransiiska ayaa halkiisa kasii waday Goolasha Waxana Hogaanka u dheereeyay Kylian Mbappé oo kubad Madax ah birta ku dhuftay kadibna sidaasi shabaqa ku gashay Daqiiqadii 68aad xidigan ayaana goolka Afaraad kasoo shaqeeyay kaasi oo kubad feecan u dhigay Olivier Giroud oo Shabaqa ku hubsaday.

Guud ahaan kulanka ayaa ku soo dhamaaday 4-1 taasi oo natiijo ahaan ka dhigan in Xulka Faransiiska uu ku bilowdo Sida laga filayay Sanadkan inkastoo xidigo badan ay dhaawac kaga maqanyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here