Florentino Perez Oo Loo Sheegay Qiimaha Ay Tahay In Uu Ka Bixiyo Xidiga Tottenham Ee Christian Eriksen.

0

Madax waynaha kooxda Real Madrid ee Florertino Perez ayaa hadda og qiimaha ay tahay in uu ka soo bixiyo xidiga khadka dhexe ee kooxda Tottenham ee Christian Eriksen. Real Madrid ayaa suuqa ugu jirtay ciyaartoy khadka dhexe iyio weerarka ah oo wax badan ka caawin kara soo laabashada Zidane iyo sidii kooxda uga saari lahaa xaalada xun ee ay ku soo jirtay.

Christian Eriksen waxa uu waqti dheer ka mid ahaa ciyaartoyda uu Florentino Perez doonayay in uu Santiago Bernabeu keeno iyada oo waqtiyada qaar lagu tilmaamayay in uu noqon doono badalka Luka Modric laakiin maamulka kooxda Tottenham ayaa shaaciyay qiimaha uu xidiga reer Denmarka ee Christian Eriksen uu xagaagan ku bixi karo.

Gudoomiyaha kooxda Tottenham ee Daniel Levy  oo ka mid ah shaqsiyaada ugu wada xaajoodka adag kubbada cagta ayaa 130 milyan gini dul dhigay madaxa Christian Eriksen sida uu shaaciyay wargayska Daily Mirror.

Qiimaha ay Tottenham dul dhigtay Eriksen waxa uu 10 jeer ka badan yahay qiimihii lacageed ee uu kooxdooda ugu soo biiray laakiin xidiga ay Tottenham ku qiimaynayso 130 milyan gini ee Christian Eriksen waxa uu galayaa sanadkii heshiiskiisa Spurs ugu danbeeyay.

Real Madrid ayaa doonaysa ciyaartoy badan oo ay ka mid yihiin Mbappe, Pogba, Sadio Mane, Eden Hazard iyo Christian Eriksen laakiin haddii uu Perez uu doonayo saxiixa Christian Eriksen waxaa hadda laga doonayaa in uu bixiyo 130 milyan gini.

Tottenham ayaa markale u muuqata in ay koob la’aan ku sii jiri doonto kadib markii ay lumisay tartanmadii maxaliga ahaa ee England oo dhan balse waxay wali ku sii jirtaa Champions league, iyada oo Christian Eriksen uu doonayo in uu raadsado koox wayn oo uu koobab kula guulaysan karo.

Kooxda PSG ayaa ahayd kooxda kale ee lala xidhiidhinayay Christian Eriksen iyada oo PSG lafteedu dagaal ugu jirta in ay dib u qaabayn ku samayso kooxdeeda kadib fashilkii Champions league ee xili ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, qiimaha 130 milyan ginida ah ee uu maamulka Tottenham ku doonayo saxiixa Christian Eriksen ayaa ah mid aad ugu sareeya ciyaartoy bisha June gali doona sanadkii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa Spurs.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here