Florentino Perez Iska Casil Kooxda- Jamaahiirta Real Madrid Oo Bernabeu Ku Soo Bandhigay Cadhada Ay U Hayaan Madax Waynaha Kooxdooda Ee Perez.

0

Real Madrid ayaa xalay ka soo kabsatay natiijooyinkii liitay ee ay sanadkan cusub ee 2019 kala soo kulantay kooxaha Villarreal iyo Real Sociedad waxayna Los Blancos xalay guul wayn oo 3-0 ah ka gaadhay kooxda Leganes kulankii lugta hore ee wareega 16ka kooxood ee Copa Del Rey.

Real Madrid ayaa guushan ku gaadhay gool rekoodhe ahaa oo uu Sergio Ramos qaybtii hore ee ciyaarta dhaliyay iyo laba gool oo ay qaybtii labaad ee ciyaarta raacsadeen Lucas Vázquez iyo Vinicius Jr laakiin 44,000 kun oo taageerayaasha Madrid ah oo xalay ka soo xaadiray Santiago Bernabeu ayaa soo bandhigay cadhada ay u hayaan madax waynaha kooxdooda ee Florentino Pérez.

Jamaahiirta kooxda Real Madrid ayaa madax waynaha kooxdooda ee Florentino Pérez ugu baaqay in uu gabi ahaanba kooxda iska casilo iyaga oo u arka in uu sababta ugu wayn ka yahay xaalada xun ee ay Los Blancos xili ciyaareedkan ku soo jirtay.

Jamaahiirta kooxda Real Madrid ayaa aaminsan in dhibaatada xili ciyaareedkan ka socota kooxdooda in uu Florentino Pérez sabab buuxda u yahay iyaga oo ku doodaya in uu ahaa shaqsigii Cristiano Ronaldo kooxda ka diray isla markaana aan keenin badalkiisii tooska ahaa.

Sidoo kale jamaahiirta Real Madrid ayaa waqti dheer aaminsanaa in sababtii uu Zinedine Zidane kooxda iskaga casilay in ay ahayd dhibaato soo kala dhex gashay isaga iyo Florentino Pérez taas oo ay u arkaan in Perez uu sidoo kale Zidane sabab ugu noqday in uu kooxda ka baxo.

Dhaq dhaqaaq xumadii suuqii xagaagii la soo dhaafay ee Florentino Pérez kadib markii uu Cristiano Ronaldo ku biiray Juventus ayaa ah qodobka ugu wayn ee ay jamaahiirta Madrid uu arkayso in kooxdoodu ay dhibaato wayn ugu jirto xili ciyaareedkan.

Jamaahiirta Real Madrid ayaa si aan la rumaysan karin hoos ugu dhigay ka soo qayb galkii kulankada Bernabeu ee xili ciyaareedkan iyada oo kulankii Real Sociedad ee Bernabeu ay ka soo qayb galeen 48,466 kun oo kaliya waana tiradii ugu yarayd ee kulan La liga ah muddo toban sanadood ah.

Si kastaba ha ahaatee, cadhada ay jamaahiirta Madrid u ahaa madax waynaha waqtiga dheer kooxdooda soo maamulayay ee Florentino Pérez ayaa banaanka u soo baxday kadib markii ay kulankii Leganes ee Bernabeu ay dalbadeen in Perez uu kooxda iska casilo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here