Firminho Oo Walaac Ku Abuuray Taageerayaasha Liverpool Ka Hor Kulanka Champion-ka Ee Barcelona

0

Weeraryahanka Liverpool ee Firminho ayaa walaac ku abuuray taageerayaasha kooxdaas ka hor lugta koowaad ee wareegga 4-ta Champion-ka ee ay la ciyaarayaan kooxda Barcelona

Tababare Klopp ayaa xaqiijiyay in laacibkaas uu ka sheeganayo dhaawac muruq ah waxa uuna ku seegay kulankii xalay ee Huddersfield Town ee wareegga 36-aad ee horyaalka Ingiriiska xilligaas oo ay Liverpool ku badiyeen 5 gool oo nadiif ah .

Wargeyska El Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu jiro shaki badan oo ku aadan in laacibkaas uu la lug heli doonin lugta koowaad ee wareegga 4-ta Champion-ka ee ay arbacada Liverpool martida ugu tahay kooxda Barca

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda baaritaano lagu sameeyo laacibkaas si loo ogaado in uu soo kabsan karo ka hor kulankaas arbacada ee Camp Nou iyo in kale .

Waxaa jira ifafaalo muujinaya in laacibka uu seegayo kulankaas balse uu soo fariisan doono kursiga keydka waxa ayna taasi micnaheedu yahay in uusan ku soo bilaaban doonin

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here