Filipe Luís: Qofka Yidhaahda Messi Uma Qalmin Ballon D’Or-ka Sandkii Tagay Waxba Kama Yaqaano Kubada Cagta”.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Filipe Luís ayaa shaaca ka qaaday qaabkii uu ula yaabay in uuna xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ku guulaysan abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa adduunka ee Ballon D’Or-ka.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee sanadkii 2018.

Lionel Messi ayaa kaalinta 5-aad ka galay abaalmairnta oo ay sanad walba bixiso majalada France Football.

Filipe Luís oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Waxa aan maqlay in uuna Messi u qalmin in uu u guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican sanadkii 2018 sababta oo ah waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed xun”.

“Waxa uu ku guulaystay horyaalka La Liga, Copa Del Rey-ga sidoo kale waxa uu dhaliyay goolasha ugu badan”.

“Qofka Yidhaahda Messi uma qalmin ku guulaysiga abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka sanadkii tagay waxba kama garanayo kubada cagta”.

“Messi waa xiddiga ugu fiican adduunka kaliya ma dhaliyo goolasha laakiin waxa uu sidoo kale ka caawiyaa saaxiibadiis, waana wax uu sameeyo dhamaan kulamada uu ciayaro 10-kii sano ee ugu dambaysay”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here