FIFA Virus: Dhaawacaya FIFA Oo Si Ba,an U Dhirbaaxay Man United & 6 Xiddig Laga Reebay Liiska Xulalkooda

Kooxda Man United ayaa ah kooxda uu saamaynt ugu weyn ku yeeshay FIFA Virus kadib markii ay xiddigo badan oo muhiim u ah kooxda dhaawac uga bexeen kulamada xulalkooda.

Xiddiga khadka dhexe ee Nemanja Matic ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyay ee dhaawac looga saaro waajibaadka xulka qarankiisa Serbia.

Nemanja Matic ayaa seegi doona kulamada uu xulka qarankiisu la ciyaari doono xulalka Germany iyo Portugal maalmaha soo socda.

Xiddiga daafaca uga ciyaara Man United ee Luke Shaw ayaa dhankiisa seegi doona kulanka uu England la ciyaari doono xulalka Czech Republic & Montenegro.

Xiddiga reer France ee Anthony Martial ayaa dhankiisa dhaawac ku seegi doona kulamada xulkiisa France isaga oo la dhibaatoonaya dhaawacyo.

Daafaca Victor Lindelof ayaan dhankiisa ka qayb qaadan doonin waajibaadka xulka qarankiisa Sweden Laakiin xiddiga ayaan dhaawacmin laakiin uga hadhay xulkiisa sabab la xidhiidha xaaskiisa oo ku dhaw in ay ilmo adduunka keento.

Si la mid ah kooxda Man United ayaa ka wal-wal qabta taam ahaanshaha xiddiga Marcus Rashford kaas oo uu shaki ku jiro in uu ciyaaro kulanka xulka qarankiisu la ciyaari doono Czech Republic.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here