FIFA Virus: Arsenal Oo Soo Gaadhay Dhaawac & Xaalada Xiddiga Reer Greece.

Kooxda Arsenal ayuu markan ku dhuftay FIFA Varus kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay xiddiga daafaca Sokratis Papastathopoulos kaas oo uu shaki ku jiro kulanka uu xulka qarankiis Greece la ciyaari doono xulka Liechtenstein sabtida.

Daafaca Sokratis Papastathopoulos ayaa ka dhaawacmay kuraanta taas oo wal-wal weyn ku riday kooxda Arsenal.

30 jirkan reer Greece ayaa ka mid ah xiddigaha ugu qaab ciyaareedka fiican kooxda Unai Emery xilli ciyaareedkan waxana uu door muhiim ah ka ciyaarayaa tartanka kaalinta 4-aad ee Europa League.

Laakiin sida laga soo xidgtay SDNA Sokratis Papastathopoulos ayuu soo gaadhay dhaawac kuraanta ah waxana uu tababarka qaadan waayay salaasadii.

Xulka Greece ayaa la ciyaari doona xulka Liechtenstein kulankoodii ugu horeeyay ee is reeb-reebka Euro 2020 ka hor inta ayna Salaasada dambe la ciyaarin Bosnia.

Wali lama xaqiijin in xiddiga laga saaray liiska xulka qarankiisa laakiin Maamulka Arsenal ayaa si gaar ah ula socon doona xaalada xiddiga.

Kooxda Arsenal ayaa ciyaari doonta kulankeeda ugu horeeya kadib fasaxa xulalka 1 bisha April iyada oo marti galin doonta kooxda Newcastle.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here