FIFA Oo Bur-Burisay Rajadii Chelsea Ka Qabtay Zinedine Zidane

Rajada Kooxda chelsea ee tababare Zinedine Zidane ayaa khatar weyn ku jirta iyada oo ay sabab u tahay ganaaxa xiriirka kubada cagta adduunka ee FIFA dusha ka saaray kooxda chelsea kuna aadan suuqa kala iibsiga.

Zidane ayaa noqday bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Chelsea tan ilaa guuldaradii ceebta ahayd ee chelsea ka soo gaadhay kooxda Man City.

Tababare reer France oo bilaashaqo ah tan ilaa markii uu ka tagay ayay chelsea doonaysaa in uu shaqada Stamford Birdge ka badalo Muarizio Sarri.

Laakiin wargayska The Sun ayaa sheegaya in Rajada chelsea ee helitaanka Zidane in ay haatan Hawada gashay sabab l axiriirta FIFA.

Xiriirka kubad cagta adduunka ee FIFA ayaa ganaax laba suuq ah dusha ka saaray kooxda chelsea kadib markii lagu helay xeer ay jabiyeen.

Sidaas darteed Zidane ayaan tababare u noqon doonin kooxda chelsea maadama uuna doonayn koox uuna dhisan karin suuqyada soo socda

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here