Fellaini, Higuain, Eriksen, Ozil, Morata, Carrasco, Isco & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January kaas oo ay kooxo badan suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojinlahaayeenkooxdooda si koobabka ugu tartamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka

Sidoo kale waxa jiri doona xiddigo si aad ah u doonaya inayisaga tagaan kooxaha ay haatan joogaan sabab la xidhiidha ciyaaris la,aan siayu raadsadaan koox ay si joogto ah ugu ciyaaraan

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbin doonta maalinwalbasubaxnimadawararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada kubada cagtu kaqoreensuuqa kala iibsiga.

Xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Man united Marouane Fellaini ayaa isaga tagi doona kooxda inta lagu jiro bishan iyada oo kooxaha Ac Milan, Porto iyo kooxda shiinaha ah ee Guangzhou Evergrande xiiso u qabaan (Mirror).

Kooxda chelsea ayaa ku rajo weyn in ay heshiiska amaahda ah ee ay ku doonayso 31 jirka weerarka uga ciyaara Ac Milan ee Gonzalo Higuain dhamaystirto todobaadkan (Telegraph).

Tababaraha Kooxda Ac Milan ee Gennaro Gattuso ayaa sheegay in uuna Higuain U sheegin in uu doonayo in uu ka tago kooxda (Evening Standard).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Tottenham ee Christian Eriksen ayayna u badnayn in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Tottenham taas oo heegan galinaysa Real Madrid oo ka dhigtay bartilmaameedkiisa 1-aad ee khadka dhexe (AS).

Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara xulka Belguim ee Yannick Carrasco laakiin Kooxda ayaan la soo saxiixan karin xiddiga ilaa ay iska iibiso Mesut Ozi (Fox Sports Asia).

Kooxda Arsenal ayaa ku qasbanaan doonta in ay bixiso kala badh mushaharka Mesut Ozil xitaa hadii uu ka tago koxoda bishan xilli si amaah ah loola xiriirinayo Inter Milan (Mirror).

Ku biiristii weeraryanka Alvaro Morata ee Atletico Madrid ayaa khatar ugu jira in uu bur-buro sabab la xidhiidha in ay Kooxda reer Spain amaah ku doonayso xiddiga (Mail).

Kooxda Barcelona ayaa midkood la soo saxiixan doonta weeraryahanada Cristhian Stuani oo u ciyaara Girona, Fernando Llorente oo u ciyaara Tottenham ama Xiddigaha Chelsea ee Olivier Giroud Iyo Alvaro Morata (MARCA).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here