Fariintii Uu Sergio Ramos U Diray Xiddigaha Real Madrid Kadib Goolkii 3-aad Ee Barcelona Oo La Ogaaday

Mid ka mid ah sawirada sida weyn looga xasuusan doono kulankii El Clasico ee ay Barcelona 3/0 ku garaacday Real Madrid ayaa ah wixii uu Sergio Ramos sameeyay kadib goolkii 3-aad ee Barcelona ee Semi-finalka tartanka Copa del Rey-ga.

Kadib goolkii Rikoodhada ahaa ee Luis Suarez Barcelona ayaa dhalisay goolkeedii 3-aad ee ciyaarta laakiin kabtanka Real Madrid ayaa fariin u diray xiddigaha ay isku kooxda yihiin.

“Ayaynan U Ogolaan in ay 6 gool dhaliyaan”ayaa ahayd fariintii Daafaca reer Spain uu u sheegayay saaxiibadiisa tan ilaa intii ay ka dhamaanaysay ciyaartu.

Los Blancos ayaa ka fiicnayd Barcelona qaybtii hore laakiin waxa ay ka faa,iidaysan waayeen fursad ay heshay qaybtii hore ee ciyaarta.

Sidaas darteed Qaybtii dambe ayay u muuqdeen qaar aan qaab fiican ku jirin iyada oo Barcelona ka faa,iidaystay kana dhalisay 3 gool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here