FADEEXAD: Paul Pogba Oo Ka Mid Ahaa 6 Xiddig Oo Man United Ah Oo Uu Wargayska L’Equipe 3 Ku Qiimeeyay Qaab Ciyaareedkooda Kulankii PSG

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa ka mid ahaa 6 xiddig oo Man United ah oo uu wargayska reer France ee L’Equipe siiyay qiimayn 3/10 ah kadib guuldaradii Man United kala kulantay PSG.

Pogba ayaa kaadhka cas looga saaray ciyaarta daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta oo ay PSG ku hogaaminayso goolal ay dhaliyeen xiddigaha Presnel Kimpembe & Kylian Mbappe.

PSG ayaa haatan si aad ah ugu cad-cad in ay u gudubto wareega 8 dhamaadka champions leageu marka ay labada kooxood mar kale kulmeen 6 bisha March lugta 2-aad ee tartanka.

Wargayska aadka loo Qadariyo ayaa pogba si hoose u qiimeeyay kadib markii uu wax saamayn ah ku yeelan waayay Kulanka.

Alexis Sanchez oo lagu balay Jesse Lingard ayaa sidoo kale helay qiimayn 3/10 ah kadib markii uu ku fashilmay in uu qaab fiican soo bandhigo.

Waxa ay sheegeen in ay xiddigaha ugu mushaharka badan premier League soo bandhigeen qaab ciyaareed aan u qalmin xitaa xiddiga ugu mushaharka yar France.

Xiddiga daafaca uga ciyaara United ee Ashley Young ayaa ahaa xiddiga Man United qiimaha ugu badan helay kaas oo helay 6/10 iyada oo uu Wargaysku aqoonsaday Khatartii Young ee marka uu kubada horay u wado iyo waliba in uu joojiyay Angel Di Maria qaybtii hore.

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa dhankiisa helay qiimayn hoosaysa oo dhan 4/10 inkasta oo uu wargaysku qirtay in uu ku qasabanaaday in uu sameeyo badalka xiddigihii Martail iyo Lingard.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here