Fabio Capello: Messi Waa Midka Kaliya Ee Ugu Maskada Badan Adduunka Kubada Cagta.

Tababare Fabio Capello ayaa saxaafada la hadlay Isniintii isaga oo kala hadlay kulanka champions League ee dhex mari doona Atletico Madrid iyo kooxdiisii hore ee Juventus.

Tababarihii hore ee xulka qaranka England ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa markii uu ka tagay horyaalka Shiincaha dhamaadkii saandkii hore waxana la waydiiyay dhawr su,aalood oo ku saabsan waxyaabo kala duwan.

Si kasta ha ahaatee hadal uu ka yidhi Lionel Messi ayaa ah mid qabtay dareenka saxaafada kubada cagta.

“Lionel Messi ma ahan Ciyaaryahan, waa Mid maskax badan, midka kaliya ee Ugu Maskaxda badan adduunka kubada cagta”ayuu yidhi.

“Xulka qarankiisa Argentine kulam guulaysan koobab sababta oo ah kaligii kuma guulaysan karo koobab”.

Fabio Capello ayaa hadalkiisa sii raaciyay sida uu Cristiano Ronaldo saamaynta ugu yeedhay kooxda Juventus kadib markii uu ku soo biiray.

“Cristiano waxa uu tuusiyay xiddigo badan oo Juventus ah”ayuu yidhi.

“Keenistii Ronaldo waxa ay toosisay xiddigo badan waxana uu ka caawiyay in ay sameeyaan horumar”.

“Waa xiddig u muhiim ah Juventus sababta oo ah mar xiddig sidiisa oo kale u fiican maalin walba kula tababarto waxa ay faa,iido weyn u tahay kooxda”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here