Fabinho Oo Iska Indha Tiray Daawashada Kulankii Newcastle & Man City, Kulan Kale Ayuu Doorbiday.

0

Xiddiga Liverpool ee Fabinho ayaa qirtay in uuna daawan kulankii ay Newcastle ka badisay kooxda Man City ee ka dhacay garoonka St James’ Park Laakiin xiddiga ayaa fursadaas kaga faa,iidaystay in uu daawado kooxdiisii hore.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa go,aansaday in uu daawado kooxdiisii hore ee Monaco oo la ciyaaraysay kooxda Guingamp kulan ka tirsanaa Coupe de la Ligue – French league cup.

Fabinho ayaa daawan karay kooxda Liverpool kula tartamaysa hanashada horyaalka premier League ee Man City oo guuldaro lama filaan ah kala kulantay Kooxda Newcastle laakiin xiddiga ayaa doortay in uu daawaday Monaco oo mar kale laga badiyay.

Kooxda Monaco ayaa 2/0 ku hor martay laakiin kooxda Guingamp ayaa dhalisay 2 gool waliba kaga badisay rikoodhayaal 4/5 ah.

Intii ay ciyaartu socotay Fabinho ayaa baraha bulshada soo dhigay sawir uu ka qaaday Tv-giisa ahna xiddigii hore ee ay isku kooxda ahaayeen ee Jemerson oo u ciyaaraya Monaco.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa daawan karay kooxda Ay ku tartamayaan horyaalka ee Man City oo guuldaro dhabarka loo saarayo.

Liverpool ayaa haatan 4 dhibcood ka horaysa kooxda Man City iyada oo waliba caawa fursad u haysata in ay 7 dhibcood ku qabtaan hogaanka horyaalka hadii ay ka badiyaan Leicester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here