Faah-Faahin La Yaab Leh Oo Ka Soo Baxday Heshiiska Ay Chelsea Kula Wareegayso Gonzalo Higuain

Faah-Faahin La Yaab leh ayaa ka soo baxday heshiiska uu Gonzalo Higuain ugu soo biirayo kooxda chelsea inta lagu jiro suuqa January.

Weeraryahanka ayaa qaab amaah ah ugu biiraya kooxda Ac Milan iyaga oo sii bixiyay 18 milyan oo heshiiska Amaahda ah sidoo kale u qorshaysanaa in ay xagaaga si toos ah ula wareegaan.

Chelsea ayaa haatan dhexda uga dhacaysa heshiiskaas iyaga oo 6-da bilood ee dambe keeni doona Stamford Brdge sidaasna ku bixin doona 9-ka milyan ee amaahda ah.

Sidaa laga soo xigtay Milan Chelsea ayaa miiska u saartay Juventus lacag dhan 9 milayn oo heshiiska amaahda ah ka hor intana xagaaga 26 milyan ugula wareegin.

Laakiin waxa heshiiska laga helay xog la yeeb leh oo ay kooxda chelsea si toos ah ugula wareegi karto xiddiga reer Argentine dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa si toos ah ula wareegi karta xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan kaliya hadii uu xiddigu buuxiyo shardiyo lagu xidhay.

Tusaale ahaan Chelsea ayaa si toos ah ula wareegi karta Higuain hadii ay ku dhamaystaan 3-da kooxood ee ugu saraysa horyaalka premier League.

Sidoo kale Higauin ayaa si toos ah ugu biiri kara chelsea hadii uu 15 gool u dhaliyo premier League inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Shardi kale ayaa ah in ay chelsea la wareegi doonto xiddiga ahdii ay ku guulaystaan Europa League sidoo kale uu xiddigu 5 gool u dhaliyo tartankaas.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here