FA Cup: Man United Oo Laba Gool Ugu Awood Sheegatay Chelsea Ka Dib Ciyaar Xaraarad Laheyd

Ka dib ciyaar xaraarad laheyd oo waliba deg degsiimo laheyd waxa ay United laba gool oo nadif ah nasiinada ugu direen Chelsea oo ay marti ugu ahaayeen kulan ka tirsan wareegga 5-aad ee FA Cup-ka .

Labada koox ayaa ciyaarta ku bilaabay dar dar xilli United biloowgii ahaayeen kuwo duullaan ah oo meel waliba waa ay taagnaayeen .

Dagaalka ciyaarta ayaa ka taagnaa qadka dhexe waxa ayna Chelsea daqiiqaddii 10-aad ku sigteen gool ka dib free kick uu laaday David Luiz balse goolhayaha United ayaa soo celiyay xilli ku celintiina laga bad baadiyay Pedro .

Chelsea ayaa ku wacneyd abuurista weerarka balse waxaa ka maqnaa in afka hore marka ay tagaan in ay xal u helaan , waxa ayna daafaca United ilaalo gaar ah ka qabteen Gonzalo.

United oo kubaddooda deg deg aheyd waxa ay daqiiqaddii 31-ad heleen gool uu dhaliyay Harrera oo madaxa ahaa ka dib kubad uu si cajiib ah u soo qajafeeyay Pogba xilli biloowgeeduu uu kubaddaas ka soo shaqeeyay Juan Mata .

Chelsea inkastoo goolkaas lagu lahaa hadana waxa ay ciyaarayeen kubad kalsooni leh waxaana ka maqnaa in dadaalkii Hazard iyo Pedro laga mira dhaliyo .

Xilli xaalka sidaas ahaa United gool labaad ayay heleen waxaana kubad uu qajafeyeyay Rashford madaxa si qurux badan ugu dhaliyay Pogba daqiiqaddii 45-aad waxaana labadaas goolba ka muuqday qalad dhanka daafaca Chelsea

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in goolkaas labaad uu yimid xilli United aysan soo qaadin weerar toos ah tan iyo goolkii koowaad waxa ayna United kulankaan si wacan ugu foojignaayeen dhanka daafaca oo waxaana ka muuqday isku xernaan iyo wada shaqeyn guud .

Soo laabashadii , Chelsea dar dar ayay ku soo galeen waxaana ka go`naa in natiijada wax ka badalaan xilli United biloowgii ku sigteen gool sedexaad ka dibkubad uu la baxsaday Rashford balse afka hore shabaqa Chelsea ayay ku fashilantay.

Chelsea si waliba ayy gool u raadineysay balse daafac United ayaa iyana diidanaa waxa ayna daqiiqaddii 59-aad soo giliyeen Willian oo loo badalay Kovacic , waxaana daaqiiqadii 62-aad daafaca United gool u diideen Hazard .

Kubad haysashada Chelsea ayaa gaarsiisaneyn qeyibii dhexe heer dhan %66 waxa ayna United ku tiitrsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah .

Chelsea kubadda waa ay kaga badnaayeen United balse daafac Uniuted waxa uu ahaa darbi waxaana kaliya in uu jiiro isku dayya Hazard balse far kaliya fool ma dhaqdo ayay xaaladdu aheyd .

Chelsea waxa ay daqiiqaddii 73-ad soo giliyeen Barkley oo loo badalay Kovacic halka United iyana daqiiqaddii 74-aad soo giliyeen Sanchez oo loo saaray Lukaku , waxa ayna ciyaarta noqotay mid xaraarad sii yeelatay

Inkastoo Chelsea kubadda saaxib lahaayeen hadana weerar muuqda kuma aysan sameyneyn goosha United kuwaasi oo dhankooda u biyo shubtay in ay daafacooda adkeystaan.

Si kastaba oo ay Chelsea u dadaaleen waxaa loo diiday dhanka goosha waxaana loogu dhameeyay ciyaarta labaadaas gool ee nadiifka ah ee ay guusha ku raacday kooxda Man United , waxa ayan tani sii murjineysay xaaladda tababare Sarri oo loo badinayo in laga erinayo kooxdaas Chelsea .

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here