Everton Oo Ka Yaabsatay Chelsea , Qeybtii Labaad Ayay Natiijada Ku Rogeen Kana Guureen Guul Ay U Qalmeen

Everton iyo Chelsea ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli guud ahaan qeybtaas hore ay kubadda maamulayeen Chelsea balse ma aysan turjumeyn fursadaha ay helaayeen.

Everton qeybtaas hore waxa ay ciyaarayeen kubad daafac ah waxa ayna ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah , halka cheslea fursado xaqiiq ahaa helayeen qeybtaas hore waxaana ugu darneyd kubad Hazard birta kaga dhacday daqiiqaddii 6-aad.

Waxaa kale oo jiray fursado kale oo uu goolhayaha Everton ka bad baadiyay Hazard waxaana guud ahaan labada dhinac ka muuqday foojignaan inakstoo Chelsea ay kubadda ku badneyd .

Qeybta labaad , Everton dar dar ayay ku bilaabeen waa yna sigayeen goosha Chelsea waxaana hor tagnaa goolhayaha balse daqiiqadihii ugu horeeyay qeybta labaad Everton ayaa kubadda laheyd .

Cadaadiskaas waxa ay Everton ku keenen gool ka dib kubad koorno laga soo tuuray ayuu xiddig kooxdaas ah madaxeeyay balse goolhayaha Chelsea waa soo celiyay balse Richarlison ayaa ku soo celiyay waxa ayna aheyd daqiiqaddii 49-aad waxaana goolkaas ka muuqday qalad dhanka daafaca Chelsea ah.

Ka dib dhacdadaas, Chelsea waxa ay isku dayayeen in durba ka jawaabaan balse Everton waa ay foojignaayeen waliba waa ay ka dar dar wacnaayeen kooxda martida ah.

Qeybta labaad , xaalka waa is badalay Everton miciyo libaax ayay la soo baxeen waxa ayna weerar ku hayeen goosha Chelsea, waxa ayna kooxda martida sameeyeen laba badal hal mar ah iyaga oo soo giliyay Giroud iyo Loftus-Cheek oo loo saaray Barkley iyo Higuain waxa ayna aheyd daqiiqaddii 65-aad

Chelsea kubado ayay gadaal ka soo dhcisayeen balse daafaca Everton waa adkaa xilli kulamaa kubaddana soo gasho cagtooda saaxibada Hazard waa ay weerarayeen waxa ayna ugu dambeyn heleen rigoore ka dib qalad ka dhacay Marcos Alonso

Rigooradaas loo dhigay Everton waxaa laaday Gylfi Sigurdsson inkastoo laadkii laga qabtay hadana ku celintii ayuu fursad helay maadaama goolhayaha uu kubadda soo tufay waxa uuna shabaqa dhigay daqiiqaddii 72-aad.

Ka dib Chelsea waxa ay soo giliyen Hudson-Odoi oo loo badalay waxa ayan aheyd daqiiqaddii 74-aad , waxa ayna Chelsea dhamaadkii qaadayeen weerar si gool u helaan balse dbhameystirka ayaa ka maqnaaa, si waliba isku dayo u sameeyeen waxa ay ciyaarta ku dhamaatay laab gool oo nadiif ah oo ay guusha ku raacday Everton

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here