Everton Oo Hadiyad U Dirtay Man City , Liverpool Ayay Bar Bar Dhac Bilaa Goolal Ah Ku Qabteen

Liverpool iyo Everton ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli kulanka ahaa mid deg degsiimo leh waxa ayna Liverpool ciyaareysay kubad cadaadis leh .

Liverpool ayaa ku bad badiyeen kubadda xill Everton iyana ay ciyaarayeen kubad rogaal celis u badan waxa ayna daqiiqaddii 9-aad ku sigteen in ay gool ka dhaliyaan Liverpool balse daafaca ayaa u diiday .

Liverpool oo dhowr jeer ku sigatay gool dhallin ayaa fursaddii ugu weyneyd ee gool aheyd waxaa laga ba baadiyay Mohamed Salah daqiiqaddii 28-aad la dib markii isaga iyo goolhayaha isugu soo hareen shabaqa hortiisa.

Fursadaas ayaa aheyd midda kaliya ee rasmiga aheyd ee qeybtaas hore , waxa ayna Livrpool ahaayeen dhanka mar waliba wacnaa balse daafaca Everton oo adkaa ayaa u diidayay in ay gool u turjumaan weerarkooda waxaana lagu nastay bar bar dhacaas bilaa goolasha ah .

Qeybta labaad , dar dartii halkeeda ayay ka sii socotay mar walibana Liverpool ayaa ku badneyd kubadda mar kale ayaana Salah laga abd baadiyay fursas kale xaqiiq aheyd daqiiqaddii 57-aad .

Liverpool oo dagaal ugu jirtay in dadaalkooda gool u rurjumaan ayaa daqiiqaddii 62-aad waxa ay soo giliyeen Milner iyo Firmino oo loo kala badalay Wijnaldum iyo Orgi waxa ayna cadaadis saareen Everton
Sidaas oo ay tahay Everton kubad bilaa wel wel ah ayay ciyaarayeen waa ayna u dhawaanayeen goosha Liverpool waxa ayna ciyaarta u muuqatay mid sii yeelaneysa xaararad gaar ah .

Guud ahaan Liverpool ayaa weerar badneyd waliba heleysay fursado goolal loo turjumi karo halka Everton daqiiqaddii 72-aad ugu dhawaadeen in ay helaan gool ka dib kubad rogaal celis ah oo ay kula duulleen goosha wiilasha Klopp.

Dhamaadkii , Everton waa ay soo weerar tagayeen waa ayna gaarayeen goosha Liverpool xilli daafac iyo goolahayah ay diideen in fursadahaas gool loo turjumo xilli kooxda Liverpool iyan ay wadeen duullaan ay ku baadi goobayeen goolka kulanka .

Si kastaba Everton daqiiiqadihii geerida waa ay soo weerar tageen waxa ayna ciyaarta aheyd mid deg degsiimo leh balse waxa ay ku dhamaatay bar bar dhacaas bilaa goolasha ah waxa ayna Everton sidaas hadiyad ugu dirtay Man City oo haatan hogaanka horyaalka Liverpool kaga haysa hal dhibic waxa ayna leeyihiin 71 dhibic

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here