EURO 2020: Xulka Qaranka Germany Oo Ka Aarsaday Netherland, Holland Oo Waqti Xun Lagu Qalbi Jabiyay Kulan Shan Gool Layska Dhaliyay Iyo Natiijooyinkii Kulamadii Euro 2020

0

Xulka qaranka Germany ayaa ka soo baxay xaaladii murugada lahayd waxayna ka aarsadeen Netherlands oo markale isku dayday in ay ka soo laabteen laba gool oo ay Jarmalku qaybtii hore ku hormareen laakiin Germanay ayaa daqiiqadii 90 aad ee dhamaadkii kulankan waxay goolka guusha ku qalbi jabiyeen Holland.

Kulankan ayaa ahaa mid shan gool layska dhaliyay isla markaana ay Germany iyo Netherland midba qayb uu awooda sare soo bandhigay balse goolka wax go’aamiyay ayaa noqday mid labada xul si buuxda xaalad kala duwan ugu kala saaray.

SHIXIHII XULALKA GERMANY VS NETHERLANDS:

GERMANY (3-5-2): Manuel Neuer (c); Niklas Sule, Matthias Ginter, Antonio Rudiger; Thilo Kehrer, Leon Goretzka, Joshua Kimmich, Toni Kroos, Nico Schulz; Serge Gnabry, Leroy Sane.

Kaydka: Timo Werner, Kevin Trapp, Ilkay Gundogan, Maximilian Eggestein, Marco Reus, Kai Havertz, Julian Brandt, Jonathan Tah, Marcel Halstenberg, Niklas Stark, Marc-Andre ter Stegen.

NETHERLANDS (4-3-3): Jasper Cillessen; Denzel Dumfries, Matthijs de Ligt, Virgil van Dijk (c), Daley Blind; Marten de Roon, Georginio Wijnaldum, Frenkie de Jong; Quincy Promes, Memphis Depay, Ryan Babel.

Kaydka: Jeroen Zoet, Patrick van Aanholt, Steven Bergwijn, Luuk de Jong, Marco Bizot, Nathan Ake, Tonny Vilhena, Pablo Rosario, Donny van de Beek, Kevin Strootman, Steven Berghuis, Hans Hateboer.

Qaybtii hore ee kulanka Germany iyo Netherlands ee isreeb reebka Euro 2020 waxa uu ahaa mid si fiican ugu shaqeeyay xulka isbadalka lagu sameeyay ee Germany oo ka soo kabsatay xaaladii xumayd ee soo mareen waxayna Germany qaybtii hore ee ciyaarta hogaanka ku hayeen 2-0 iyada oo Holland xaalad xun ku jirtay.

Daqiiqadii 15 aad ee qaybtii hore ee ciyaarta ayay ahayd markii ay Germany heleen goolka dhibaatada ku noqday Netherlands kaas oo uu dhaliyay Leroy Sane oo hadda doonaya in uu tababare Low ku qasbo in uu ka dhigto xidigaha ugu muhiimsan kadib wixii kala qabsaday koobkii aduunka waxaana caawinta goolkan sameeyay N. Schulz.

Goolkan ayaa Germany siiyay kalsooni dheeraad ah waxayna noqdeen kuwa qaybtii hore shaqada wayn qabtay halka Holland ay dadaalkooda ku hungoobeen isla markaana ay Germany iska difaaci kari waayeen.

Daqiiqadii 34 aad Germany ayaa helay goolkooda labaad laakiin kani waxa uu ahaa gool cajiib ah oo ka yimid Gnabry kaas oo Van Dijk iyo difaaca kale ee Netherlands kaga yaabsaday darbo aan la joojin karin wuxuuna ku dhaqaajiyay shabaqa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Jarmalku hogaanka ku dheeraysteen.

Germany ayaaba qaybtii hore raadinayay in ay dhaliyaan goolal kale laakiin Netherlands ayaa woodi wayday in ay wax jawaab ah bixiyaan waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 2-0 ay Germany hogaanka ku hayeen.

Waxaana lays waydiinayay haddii sidii kulankoodii ugu danbeeyay ay Netherlands soo laabasho cajiib ah samayn karaan. Goolhaye Manuel Neuer ayaa shaqo fiican u qabtay xulkiisa Germany qaybtii hore ee ciyaarta wuxuuna Holland ka diiday in ay shabaqiisa taabtaan.

Qaybtii labaad ee ciyaartu markii ay bilaabantay waxaa hursadii ka soo kacay xulka qaranka Netherlands waxayna daqiiqadii 49 aad heleen goolka ay rajadooda sare ugu soo qaadeen kaas oo uu dhaliyay difaaca kooxaha Yurub u waalanayaan ee Matthijs de Ligt kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-1 ay wali Germany hogaanka ku hayaan.

Daqiiqadii 63 aad xulka qaranka Netherlands ayaa si layaableh ciyaarta si buuxda ugu soo laabtay kadib markii ay heleen goolka labaad ee ay barbaraha ku keensadeen waxaana goolkan dhaliyay Memphis Depay oo caawin ka helay  Georginio Wijnaldum waxayna ciyaartu noqotay barbaro 2-2 ah.

Ciyaarta ayaa markan noqotay mid xamaasad leh isla markaana ay labada xul midba qayb uu shaqadiisa qabsaday waxayna Holland markan aamini kareen in ay xataa guulaysan karaan halka ay markii hore ka fikirayeen sidii ay guuldaro uga badbaadi lahaayeen.

Labada xul ayaa helay fursado fiican oo ay goolal ku dhalin kareen laakiin waxaa laysla soo gaadhay dhaamadkii ciyaarta iyada oo wali barbaro 2-2 ah lagu jiro waxayna labada xul u muuqdeen kuwo wali goolka guusha raadinayay.

Daqiiqiiqadii 90 aad Germany ayaa ugu danbayn helay goolka wadnaha gooyay Netherlands kaas oo waliba si cajiib ah looga soo shaqeeyay waxaana goolkan dhaliyay Nico Schulz  kaas oo si fiican u dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay Marco Reus oo isla waqtigaas ciyaarta badal ku soo galay.

Germany ayaa waqtigii dhimashada ee dhamaadka helay goolka saddexaad ee ay ciyaarta kaga dhigeen 3-2 waxayna Netherlands noqdeen kuwo ciil iyo cadho ay ka qabtay fursado fiican oo ay heleen oo ayna ka faa’iidaysan.

Natiijooyinkii Kulamadii Isreeb Reebka Euro 2020 ee caawa la ciyaaray:

Netherlands 2 – 3 Germany

Nother Ireland 2 – 1 Belarus

Wales 1-0 Slovakia

Hungary 2-1 Croatia

Israeal 4-2 Austeria

Kazakhstan 0-4 Russia

San Marino 0-2 Scotland

Cyprus 0-2 Belgium

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here