EURO 2020: Xulalka Qaramada England & France Oo Xasuuqyo Gaystay, Portugal Oo Barbaro Kale Galay Iyo Dhaawicii Cristiano Ronaldo Oo Xaalada Hadheeyay.

Xulka qaranka England ayaa xuus u soo gaystay dhigiisa Montenegro oo waliba gool kaga hor maray laakiin waxay Three Lions goolkan kaga jawaabeen shan gool oo uu laba ka mid ah dhaliyay Ross Barkley halka Michael Kean uu aha xidiga goolka barbaraha u keenay England.

Harry Kane ayaa dhaliyay goolka afraad ee uu xulkiisa England ku sii bahdilay xulka martida loo ahaa ee Montenegro waxaana goolka shanaad sii raacsaday Raheem Sterling iyada oo  wilasha Gareth Southgate soo gaadheen guul wayn oo kale iyaga oo sii watay qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay ku bilawdeen isreeb reebka Euro 2020.

Daqiiqadii 17 aad xulka qaranka martida loo ahaa ee Montenegro ayaa gool kaga naxsaday England kadib markii uu M. Vešović awooday in uu Three Lions xaalada ku meeyay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 iyada oo Michael Keane uu ahaa xidiga qaladka ku lahaa goolka uu M. Vešović u dhaliyay Montenegro.

Laakiin daqiiqadii 30 Michael Keane ayaa dib u saxay qaladkii uu ku lahaa goolka ay Montenegro ku hormartay wuxuuna awooday Keane in uu xulkiisa u keenay goolka barbaraha kadib markii uu caawin ka helay Ros Barkley oo kulankan wacdaro ka dhigay.

Daqiiqadii 38 aad ee qaybtii hore ee ciyaarta xulka qaranka England ayaa natiijada ciyaarta dhinaca kale u dhigay kadib markii uu Ross Barkley dhaliyay goolka labaad ee Three Lions waxaana caawintiisii ugu horaysay ee xulka England sameeyay  Hudson-Odoi oo kulankiisii abid ugu horeeyay ku soo bilawday shaxda England.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay England ka soo kabsadeen xaalada adag oo ay ciyaarta ugu bilawdeen laakiin qaybtii labaad ee ciyaarta waxay sii wadeen in ay cadaadiska ku hayeen Montenegro waxaana goolkiisa labaad iyo kan saddexaad ee England daqiiqadii 59 aad dhaliyay Ros Barkley.

Kadib markii uu 26 kulan oo xulkiisa England ah ku soo dhaliyay 2 gool oo kaliya ayuu Barkley awooday in uu kulankan laba gool ku dhaliyay waqti kooban waxayna Three Lions heleen hogaan 3-1 ah oo ay kaga neefsadeen Montonegro.

Daqiiqadii 71 aad Harry Kane ayaa ugu danbayn qayb ka noqday liiska gool dhaliyaasha xulkiisa ee kulankan waxaana caawin u sameeyay Raheem Sterling iyada oo ciyaartu noqotay 4-1 ay Three Lions ku gumaadayaan Montenegro oo gool kaga hor maray.

Daqiiqadii 80 aad Raheem Sterling oo kulankii hore saddexley goolal ah ka soo dhaliyay ayaa markiisa ku biiray liiska gool dhaliyaasha Three Lions wuxuuna dhaliyay goolka shanaad ee ay xaalada murugada leh ugu sii abuureen jamaahiirta iyo xulka martida loo ahaa ee Montenegro.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 5-1 uu xulka qaranka England ku xasuuqay Montenegro isla markaana ay kooxda da’yarta u badan ee Three Lions si wayn iskugu muujiyeen.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here