Ernesto Valverde Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Pep Guardiola Barcelona Uga Dhigay Horyaalka La Liga

Tareenka Kooxda Barcelona ayaa sii wada jiidhista kooxaha ka soo hor jeeda iyaga oo gaadhay guushii 6-aad oo xiriir ah horyaalka La Liga tan ilaa markii ay bar-baro la galeen Atletico Madrid bishii November/

Barcelona ayaa guul 3/0 ah ka gaadhay kooxda Eibar kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkiisii 19-aad kulan ka dhacay garoonka Camp Nou.

Kadib guushaas tababaraha Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa bar-bareeyay rikoodh uu Barcelona La Liga uga dhigay tababarihii hore ee Barcelona ee Pep Guardiola haatana hogaamiya kooxda Man City.

Pep Guardiola ayaa kooxda Barcelona ku hogaamiyay 57 guulood iyada oo ay kooxdiisu dhalisay 154 gool sidoo kale heshay 136 dhibcood.

Valverde ayaa haatan Barcelona ku hogaamiyay 57 guulood iyada oo ay kooxdiisu dhalisay 152 gool sidoo kale helay 136 dhibcood.

Barcelona ayaa wali sii haysata hogaanka horyaalka La Liga iyaga oo 5 dhibcood ka horeeya kooxda ugu soo dhaw ee Atlteico Madrid.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here