Eriksen, Alaba, Neymar, Hudson-Odoi, Maguire & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Suuqii January ayaa si Rasmi ah u xidhmay laakiin taas ayaa la macno ahayn in ay kooxaha kala duwan ee yurub sidaas kaga seexanayaan arimaha.

Kooxaha reer yurub ayaa u diyaar garoobaya suuqa Xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan iyaga oo sii indha-indhaynaya xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbinaysa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada iyo xiddigaha ay kooxdaadu doonayso.

Waxa xusid mudan in wararka aan soo qaadano in aanan wax masuul ah ka ahayn laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyasa ku xor xusan.

Kooxda chelsea ayaa ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo tababaraha kooxda Wolves ee Nuno Espirito Santo si uu ugu noqdo tababare ugu noqdo kooxda kana badalo shaqada Muarizio Sarri (Sun).

Kooxda Man United ayaa ku kalsoon in ay dhamaystiri doonto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Leicester City ee Harry Maguire (Star).

Kooxda Liverpool ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Callum Hudson-Odoi (Bild).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Tottenham ee Christian Eriksen ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Real Madrid (Talksport).

Daafaca kooxda Bayern Munich ee David Alaba ayaa shaaca ka qaaday in uu diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Arsenal (Bild).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Ander Herrera ayaa si aad ah ugu sii dhawaanaya ku biirista kooxda PSG (Sun).

Kooxda Ac Milan ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda Cagliari iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Nicolo Barella kaas oo lala xiriirinayay Arsenal (Sky Italia).

Kooxda Man City ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga 16 jirka kooxda Benfica khadka dhexe uga ciyaara ee Ronaldo Camara (Evening Standard).

Kooxda Inter Milan ayaa isku diyaarinaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Everton ee Andre Gomes (Sport).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi Ayaa kooxda uga tagi kara kaliya 50 Milyan oo euro xilli uu xiiso ka helayo kooxaha Real Madrid iyo Juventus (MARCA).

Ku Biirista Neymar ee Real Madrid ayaa fure u noqon doonta heshiisyo waali ah oo uu Dybala ugu biiri karo Atletico Madrid halka uu Griezmann ku biiri karo PSG (Calcio Mercato).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here