Enai Emery: Liverpool Horyaalka Way Ugu Guulaysan Kartaa Guuldaro La,aan Halkan Arin Ayaana Ka Caawin Kara

0

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Enai Emery ayaa sheegay in ay Kooxda Liverpool awood u leedahay in ay dhigto Rikoodhkii ay Arsenal ka dhigtay premier league horyaalkana ugu guulaysato iyada oo aan wax guuldaro ah la kulmin.

Arsenal ayaa xilli ciyaareedkii 2003/2004 horyaalka premier league ku qaaday iyada oo aan wax guuldaro ah la kulmin xilli ciyaareedka dhamaystiran.

Liverpool ayaa marti galin doonta Arsenal kulan ka tirsan todobaadkii 20-aad ee horyaalka premier league maalinta Sabtida.

Tababare Emery oo arintaas ka hadlaya ayaa u sheegay wargayska Mirror” Liverpool way ku guulaysan karaan horyaalka iyaga oo aan la kulmin wax guuldaro ah sababta oo ah waxa ay bilaa guuldaro yihiin ilaa haatan waxana ay leeyihiin tayo ay ku sameyaan sidaas”.

“Liverpool waxa ay samaysay horumar cajiib ah iyada oo la soo saxiixday xiddigo fiican oo ku soo kordhiyay tayo aad u fiican kana dhigay koox adag”.

Kulankii hore ee ay labada kooxood wada ciyaareen kana dhacay Emirates ayay ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here